Suugaanta intaan baranayay G-Jacbur
Updated: Apr 3, 2020
Suugaanta intaan tirinayee boqol iyo dheeraada.
Dadku waxay umoodaan inaan meel ka soo xadaye.
Ana kama dhagaystee murtida wayska qubayaaye.
hadaan layga cabanayn saqdhexe wayska tirinlaaye.
hadaan lagu wareerayn waqay wayska shubi laaye.
hayeeshee cidii waalanbaan hadalku deeqayne.
ma dhagoole yaalbaa murtida like ma dhahayaane.
Murti weeye goo go'an waxaad hadalka moodeene.
Idinkoo dhagaystaa ka roon inaad ka yaacdaane.
Maxaa wacay waxaan moodayaa inaad saluugteene.
Markaasaan midii ugu ba'nayd soo ban dhigayaaye.
iibsada dantiinaa ku xiran inaad khasaartaane.
Intiinii carootana waa inay Comments keentaaye.
Maxaayeelay waxaan moodayaa inaad maqsuudeen.
markaasaan qaarkii wacnaa meel fog dhigayaaye.
Abwaannimada intaan baranayee lacagta dhiibaayay.
Hadaan geel yar iibsado waqay badar ma waayeene.
Xildhibaan miyaan ahay dadkani ima maqlaayaane.
Qabiil kale miyaan ahay marnaba ima bogaadsheene.
Gabaygayga ruuxii xiftiya ama xariir mooda.
Maqaadiir inay tahay durbaba waa la soo wiciye.
Kolkaasuu beenbeen ku caban biisibaan ahaye.
Sheergareeya intaan laydin odhan inanka reerkeene.
Hadii kale waxaan moodayaa inaad layaabteen.
Maskax iyo muqurbaa ku baxay waxaad arkaysaane.
PC la soo gaday ayaa lagu habeeyaaye
OS speed sare leh baa lagu aqoolaaye
AC iyo aalado kalaa eegan ii shidane
Storage iyo wuxuu soo maraa agabka RAMkaahe.
Markaasaad waxaad leedihiin dacar un weeyaane.
Miyaydnaan xishoonayn anigu maahirbaan ahaye.
Suugaanta kolkii lala tagee duurka lala aaday.
Dal shisheeye in laga iibiyay ula ordaayeene.
Anigaa ka soo riday kuwii miijiyoo labaye.
Anigaa ka soo furay halkii ay ku dilayeene.
Aaawaye Rageedii dadkani ima bogaadshaane.
ma ogtiin abwaan gibina iyo laashinbaan ahaye.
Sanbug iyo Sugaal baan lahaa way ku soo wicine.
Ina Booskii bari jiray asaga baaqi maan arage. ( Abdi Ali Boss)
Hadraawi iyo Qaysbaan lahaa farax hayaabeene.
war miyay gaboobeen raganii ima bogaadshaane.
Tinaarkeeni muufada kalkuu tuugu jabinaayay.
Ee taangiga shisheeyuhu dulmaray qaar la garanaayo.
Ee dhuxushi intay naga gateen nagu canaanteen.
Wasiirkeena Bay'adu markiba waa isagii naxaye.
Ma ogtiin anigaa ku iri waryaa yaan warkaagine.
Ma muwaadinbaan ahay maxaan hadal kudheeraaday.
Afartaas qaloocshaye waxaan qalad uraacsiiyay.
Qoladaas beesha caalamkee nala qaraabowday.
Qabiiladooda yaa ii kala yaqaan waa rag noo wacane.
Alaabooyin markay keenayaan ama wasiir beeca.
Ordoo celiyaan oron lahaa ninkani waa gadayaaye.
Oo anagays dilaynee idinku buuqa naga daaye.
Carab laga xanaajiyay waa inay carootaaye.
Ayagaa na maagaye anagu maba haruufayne.
BBCda Markaan ugu wacnay madax wareereene.
Hada maxaan ka yeelaa waxani maba tagaayaane.
Ama idinku anaa garanayee aniga iidaaye.
Hadiinaan ku daalayn murtida wayska wadi laaye.
hayeeshee inay iga xigtaan yaan ka baqayaaye.
Idinkuna inaad igu nacdeen wayska filayaaye.
Halkaasaan ku meelaynayaa Gabaygi buuraa dheh!!
By Yassin Sh Nor
Comments