Gabaygii Ciida Sara geeya.
Updated: Apr 3, 2020
Hadii aana ciideen dadow waan cartami laa.
Anoo Caro laliitaan dadow ciil la hagan laa.
Cabsi iyo khoofbaa qalbigu caato noqonlaa.
Cududa iyo lixaadkaa wax qabad Caajis galilaa.
Caruuta iyo dhalaankaan kolnaba ila ciyaareen.
Cibaadada Sidaan diidaybaan dadow casi noqonlaa.
Cayshkaan ka goilaa hadana maba cabeen shaah.
Cimaamado iyo Shaal iyo khamiis cada maqaateen.
Casuumaad intaan dhigo naflaha ma casha siiyeen.
Caato iyo wayd iyo taharo cunista waw hawle.
Cukanaha baraariyo ugayb culus ma doorteen.
Intaan carun ka daadiyo ulxiyo uma qaleen Ciid.
Cuud iyo intaan fooxyo shido marwadu macarfiseen bayd.
Culimada intaan waco xadiis culus masheegeen.
Inay Ciidu wayntahay dharaar ma carrabaabeen.
Cibaaradi IBRAAHIIM halkaas kama cadeeyeen.
Intaan cayriyoo gubo iblays col uma qaateen.
Cibaadada Illah iyo xaqana calaf mamoodeen.
Afartaas cadeeyaye waxaan cayka ugu laabtay.
Caynkaa inaad wada tihiin waan cabirayaaye.
Ila ciida Casiis wada baryoo Caadil tala sarta.
Illa ciida Casiis wada baryoo Ciida sare Geeya.
Ayadoon Culays jirin Rabina loo cabiid yahay.
Ciidaan Ciideeda kale caana maal taga.
Ciidaan ciideeda Kale caafimaad qaba.
Cukanaada cood iyo dadoo caafimaad qaba.
Cishadaan la joogiyo dadow Ciidan dabadeed.
Cibaadada Illah iyo Xaquna nama cusleeyaan.
Intaad ciida joogtaan dadow caasinimo diida.
Afartaas cadeeyaye waxaan cayka ugu laabtay.
War dadow ruuxii cayr noqdaa ceebta waw daris.
Cuqdadbuu laliitaa dhibaan cidi dareemayne.
Cashigiyo colaaduna naflihi galiye ceel dheere.
Caruurtiyo Agoomaha dadow caawimaad tara.
Fuqarada dadow caawiyoo coodka qaybsada.
Lana ciida wixii ruuxu cuno calafki waa kaase.
Comments