BOOSASO BILANEEY
Badda dacaladeediyo
buurihii caleed iyo
biya kulule eegoo
barbarkaad istaagtaba
kama xiisa beeshide
boosaso bilaneey.
baashihii dalkaygiyo
waxaad tahay bustaantii
lagu rogo basaastoo
lagu reebo baahida
wixii berri Ku soo maray.
bosinka iyo yaasiin
burdihiyo xijaabkaan
bello iyo wax kuu daran
kaaga Baal xiraayaa
magacaaga billan baan
ruuxii Ku baaqaba
bil khayr ugu jawaabaa
bosaaso bilaneey.
burbirkii colaadaha
alaa kaa badbaadsheye
baaqaagu waa nabad
lagu kala bogsoodiyo
heshiis dawlad loo bogo.
ninkii baylahaagiyo
jecel baa'ba'aagaa
kaa naxa barwaaqada
biligaaga nuuriyo
amaantaada badanee
lagu baahsho sheekada.
bulshadii Ku jecel baa
Ku bogaadineysoo
Ku bariidineysee
bosaaso bilaneey
by Cabdi Cali Boss
Comments